Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Nin Soomaali ah oo Weerar loo adeegsaday Mindi ka geestay Melbourne (Daawo Sawirada)

Nin Asalkiisu Soomaali yahay oo  magaciisa lagu sheegay Mohamed Khalif ayaa weerar loo adeegsaday mindi waxa uu ka geestay bartamaha magaalada Melbourne ee dalka Australia.

Mohamed Khalif oo xubin ka ahaa kooxda Islaamiga ee Daacish ayaa mindi ku dhaawacay sadex ruux, waxaana Warbaahinta dalka Australia ku warantay in mid kamid ah dadka dhaawaca qaba uu xaalad halis ah ku jiro.

Ciidamada booliiska ayaa markii dambe toogasho ku dilay ninka Soomaaliga ee weerarka geestay , waxaana laamaha amaanka dowlada Australia sheegeen in ay wadaan baaritaano ku aadan weerarkan.

Weerarka uu geestay ninkan Soomaaliga ah ayaa yimid kadib markii Gaari uu watay darbi ku dhuftay kadibna gaariga uu qabsaday dab xoogan, ninka Soomaaliga ayaana la sheegay in mindi ku weeraray dad u soo gurmaday iyo booliis.

Warka kasoo baxay kooxda Islaamiga ee Daacish ayaa lagu sheegay in weerarka fuliyay xubin iyaga kamid ahaa, Daacish ayaana horey sidan oo kale u sheegatay weeraro ka dhacay Wadamada Reer Galbeedka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa dhacaya haddii Madaxweyne Farmaajo diido shirka wadatashiga ?

Cabdi Cade

Xildhibaanada Hirshabelle oo la yimid Qorshe ay ku heli karaan Mushaarkooda ka maqan!!

Cabdi Cade

Ciidanka Dowladda oo qabtay nin katirsanaa Al Shabaab oo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---