Allbanaadir.com
NEWS

Warar been abuur ah oo sii huriyey xiisad ka dhalatay weerar mindi oo ka dhacay UK

Weerar tooray loo adeegsaday oo ka dhacay woqooyiga galbeed ee England, oo lagu dilay saddex habool oo yaryar, halka caruur kalena lagu dhaawacay, ayaa saacado yar uun ka dib markii weerarkaasi dhacay, waxaa baraha bulshada qabsaday, magac been abuur ah oo aan ahayn kii weerarka geystay.

Waxaa weerarkan si khaldan loogu eedeeyey, in cidda weerarka geysatay inuu ahaa qof magangelyo doon ah oo dhowaan soo galay dalka Britian, iyada oo dhinaca kalena lala xidhiidhiyey muslimiinta.

Waxaana wararkaas been abuurka ahi ay dhaliyeen inay bilaabmaan debedbaxyo rabshado wata, xilli ay dadka isu soo baxay iyo boolisku ay isku dhaceen, barxadda hore ee masaajid weyn oo halkaas ka agdhowaa.

Booliska ayaa sheegay in magaca lagu baahiyey baraha bulshadu uu ahaa mid been abuur ah, sidoo kale waxaa jiray warar ku tiri ku teen ah oo sheegaya in qofka magaciisa la wareejinayey baraha bulshada oo loo tirinayey inuu ka dambeeyey weerarkaasi, inuu ahaa 17 jir magangalyo doon ah, oo dhawaan soo gaaray dalka Britain.

Dembi-baarayaasha ayaa sheegay in qofka rasmiga ah ee dilkan loo haysto ee dacwadaha lagu soo oogay in uu ku dhashay dalka UK balse aanu ahayn qof ajnebi ah. Warbaahinta waaweyn ee Ingiriiska oo ay ku jirto BBC-da ayaa sheegay in waalidka eedaysanuhu inay ka soo jeedaan Rwanda.

Xogtaas ka soo baxday dembi baadhayaashu, waxyar uun bay ka tartay inay xaaladda qaboojiso, hase ahaatee kooxaha midigta fog ayaa dhacdadan u adeegsanaya inay ku eedeeyaan muhaajiriinta iyo muslimiinta.

Xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka Patrick Hurley ayaa sheegay in natiijada ka dhalatay wararkaas been abuurka ah ee la faafiyey inay ahayd “boqolaal qof oo isaga kala yimi qaybaha magaalada, halka qaarkood ay ka yimaadeen meelo ka baxsan xaafadda uu dilku ka dhacay, iyaga oo doonaya inay dhibaato geystaan – waxaana taas keenay inay aamisan yihiin wixii ay ku arkeen baraha bulshada, taasoo keenaysa kala qaybin bulsho” ayuu yidhi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Golaha Ammaanka ee QM oo ansixiyey qaraar cusub oo ku saabsan Somalia

Caydiid Ali

Dowlada Somalia oo War kulul ka soo saartay weerarkii Ankara

Caydiid Ali

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya oo tagay Hotelka Xayaat lana hadlay Warbaahinta

Cabdi Cade