Allbanaadir.com
NEWS

Heshiis ay gaareen Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo la ansixiyay

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa lagu ansixiyey wax ka beddelka Sharciga Maareynta Qandaraasyada iyo Heshiis Is-afgarad oo ku saabsan Iskaashiga Arrimaha la-dagaallanka Musuq-maasuqa ee u dhexeeya hey’adaha kor-joogteynta Soomaaliya iyo Sucuudi Carabiya.

Shirka Golaha oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale lagu ansixiyey Istaraatiijiyadda Qaran ee 2024-2027 ee ka hortagga iyo la-dagaallanka fikirka xagjirka ah ee rabashadaha wata oo ay golaha u soo gudbisay Xarunta Qaran ee Tubsan.

Golaha Wasiirrada ayaa dhinaca kale ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga Warbixinno ku saabsan amniga guud ee dalka, gaar ahaan xasillinta iyo guulaha laga gaaray xoreynta goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan Khawaarijta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiir katirsan Xukuumadda Soomaaliya oo loo doortay Xildhibaan

Cabdi Cade

Tirada dadka ku dhintay qaraxii shalay ka dhacay Muqdisho oo sii kordhaysa

Caydiid Ali

Wasiir katirsan Xukuumada Soomaaliya oo is casilay iyo Sababta keentay

admin
Taboola Ads ---