Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo baaq deg deg ah soo saaray kaddib dilkii Ismaaciil Haniya

Dowladda Mareykanka ayaa walaac xooggan ka muujisay xaalada colaadeed ee xilligan ka taagan qeybo kamid ah Bariga Dhaxe, kaddib dilkii ciidamada Israa’iil gudaha dalka Iran ugu geesteen hoggaamiyihii ururka Xamaas Ismaaciil Haniya.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa ku booriyay dhammaan dhinacyada Bariga Dhexe ee colaada ka dhax aloosan tahay in ay joojiyaan ficillada sii kordhaya ee abuuri kara colaad iyo xaalado ammaan darro oo hor leh.

Waxa uuna ku baaqay Antony Blinken in laga wada shaqeeyo xabbad-joojin laga gaaro colaada hadda ka taagan magaalada Gaza, ka dib markii hoggaamiyaha siyaasadda Xamaas lagu dilay weerar ay Iran ku eedaysay in ay ka dambeesay Israa’iil.

”Helitaanka nabadda, waxay ka bilaabataa xabbad-joojin, si halkaas loo gaadho, waxay sidoo kale u baahan tahay dhammaan dhinacyada inay wada hadlaan oo ay joojiyaan ficil kasta oo kicin ah oo horseedaya colaad hor leh” ayuu Blinken u sheegay warbaahinta.

Hadalkan kasoo yeeray Xoghayaha Arrimaha Dibadda dowladda Mareykanka ayaa kusoo aadaya xilli la dilay hoggaamiyihii ururka Xamaas Ismaaciil Haniya, ayna dowladda Iran oo dalkeeda ka dhacay dilka ku hanjabtay in ay qaadi doonto weeraro aargoosi ah oo ka dhan ah Israa’iil.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin Maalintii Wariye ah Habeenkiina kabo tole ah !!! (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Madaxweynaha FIFA Gianni Infantino oo si kulul u weeraray dalalka reer Yurub

Caydiid Ali

Maqaayad weyn oo kutaala magaalada Muqdisho oo hada gubaneysa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---