Allbanaadir.com
NEWS

Meydka Ismaaciil Haniya oo dal Carbeed loo qaadayo iyo Janaaso maanta…

Waxaa maanta oo Khamiis ah lagu wadaa in salaada Janaasada magaalada Tehran lagula dukado meydka Allaha u Naxariistee hoggaamiyihii ururka Xamaas Ismaaciil Haniya, oo habeen hore lagu dilay weerar qorsheysan oo ka dhacay gudaha magaalada Tehran ee caasimadda Iran.

Hoggaamiyaha ugu sarreeya dalka Iran, Ayatollah Ali Khamenei, ayaa tujin doona salaad Janaaso ah oo maanta lagu dukan doono meydka Haniya , waxaana salaada Janaasada la filayaa in ay kasoo qeyb galaan madax katirsan dowladda Iran iyo dadweyne ka murugeysan dilka Haniya.

Meydka hoggaamiyihii siyaasadda ururka Xamaas Ismaaciil Haniya, ayaa marka Janaasada lagu dukado kaddib lagu wadaa in loo qaado magaalada Doha ee caasimadda dalka Qatar , halkaas oo la filayo in lagu aaso meydka marxuumka.

Hoggaamiyaha Xamaas Ismaaciil Haniya ayaa inta aan la delin kahor deganaa muddo sannado ah dalka Qatar uu ka heestay magangelyo, waxaana hoggaamiyahan lagu dilay magaalada Tehran uu u tagay ka qeyb galka caleemo saarka Madaxweynaha cusub ee Iran.

Dilka hoggaamiyaha Xamaas ayaana abuuray cabsi laga qabo in dagaal ka qarxo Bariga Dhaxe, dowladda Iran ayaana ku hanjabtay in jawaab kulul ka bixin doonto weerarka Isra’iil ka fulisay gudaha dalkeeda kuna dishay hoggaamiyaha Xamaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

(Sawirro) Qaraxyo lala beegsaday xarumo Waxbarasho oo ku yaalla Magaalada Kabul

Caydiid Ali

Itoobiya oo laga helay kiisas cusub oo la xiriira Cudurka Coronavirus

Caydiid Ali

Dilal Goordhaw ka dhacay Suuqa Bakaaraha iyo Faah Faahino aan ka helnay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---