Allbanaadir.com
NEWS

Gacankudhiigle Maxamed Abshir oo la qabtay iyo Odayaal gacan ka geestay

Ciidamada booliiska  Puntland ayaa saakay oo Khamiis ah ku guuleestay in ay gacanta kusoo dhigaan gacankudhiigle Maxamed Abshir Muuse (Bootaan), oo 29-kii bishii July magaalada Boosaaso ku dilay guddoomiye kuxigeenkii maamulka iyo maaliyadda ee jaamacadda Bariga Afrika .

Ninkan gacankudhiiglaha ah ayaa magaalada Boosaaso ka baxsaday kaddib markii uu dilay marxuum Khaalid Cali Khaalid Awmuuse, waxaana socday maalmihii lasoo dhaafay baadigoob ciidamada amniga ugu jireen ninkan dilka geestay.

War kasoo baxay taliska booliiska Puntland ayaana lagu sheegay in odayaasha dhaqanka beesha uu kasoo jeedo Maxamed Abshir Muuse, gacan ka geesteen in saakay deegaanka Durduri kasoo qabtaan gacankudhiiglaha oo ka baxsanayay laamaha amniga.

“Eedaysanaha ayaa gacanta lagu soodhigay 6:00 Subaxnimo, waxaana ciidanka ammaanka oo kaashanaya odayaasha dhaqanka ku qabteen deegaanka Durduri. Eedaysanaha ayaa la horgeyn doonaa maxkamadda awooda uleh qaadista kiiskiisa” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay taliska ciidanka booliska Puntland.

Ciidamada Puntland ayaana maalmihii lasoo dhaafay waday howlgallo ay ku raadinayeen ninka dilka u geestay masuulkan katirsanaa jaamacadda Bariga Afrika, waxaana dilka ka dhacay Boosaaso aad uga naxay dad badan oo aad u garanayay marxuum Khaalid Cali Khaalid.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qoorqoor oo looga yeeray Muqdisho lana kulmaya Saraakiil Mareykan ah

Cabdi Cade

Xaguu ka dambeeyey xiriirka Taliban iyo Al-Qacida kadib heshiiskii Mareykanka ?

Cabdi Cade

K/Galbeed oo shaacisay jadwalka doorashada 5 ka mid ah kuraasta Golaha shacabka

Caydiid Ali