Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wararkii Ugu dambeeyay khasaaraha ka dhashay Qaraxyadii ruxay Muqdisho

Khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay sadex qarax oo galabta lagu weeraray Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho , waxaana masuuliyada weerarkan durba sheegatay kooxda Al Shabaab.

Qaraxyada xoogan ee lagu weeraray hotelka Saxafi iyo goobo kale oo ku dhaw ayaa dhamaan ahaa kuwa ismiisaanin ah oo loo adeegsaday gaadiid waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Inta la xaqiijiyay qaraxyadan waxaa ku dhintay dad ka badan 15 ruux oo u badnaa shacab , waxaana dadka dhintay u badnaayeen dad saarnaa gaadiidka dadweynaha, mooto bajaaj iyo dad kale oo gaadiid iyo lug ku marayay afaafka hore ee Hotelka Saxafi.

Isbitaalada magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale la geeyay dad badan oo dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen qaraxada, waxaana dadka qaar la sheegay in ay qabaan dhaawacyo culus.

Goobaha ay ka dhaceen qaraxyada Ismiidaaminta ayaa ahaa goobo mashquul badan oo inta badan laga raro gaadiidka dadweynaha sidoo kale ku yaaleen xarumo badan oo ganacsi.

Qaraxyadan maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa ahaa kuwa aad u xoogan oo si weyn looga dareemay Caasimada oo maalmihii lasoo dhaafay ka nasatay qaraxyada iyo weerarada tooska ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xogta kulan dhexmaray Guuleed iyo Masuuliyiin ka tirsan dowlada Finland (Sawirro)

Caydiid Ali

Dalal ay ku jirto Soomaaliya oo loogu deeqay ku dhowaad 160 Milyan oo dollar

Caydiid Ali

Aqoonyahano ka soo jeeda Beesha Murusade oo kulan ku yeeshay Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---