Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawiradii u dambeeyey Ismacil Haniya saacado ka hor dilkiisa

Ismaaciil Haniyeh ayaa lagu aasayaa magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qatar maalinta Jimcaha kadib markii lagu dilay dalka Iran hogaamiyihii siyaasadeed ee ururka Xamaas, sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay kooxda Xamaas

Tacsi ayaa lagu wadaa in maanta oo Khamiis ah lagu qabto caasimadda Iran ee Tehraan, halkaasoo warbaahinta dowladda ay sheegtay in saddex maalmood oo baroor diiq ah.

Meydka Haniyeh ayaa markaa loo wareejin doonaa Doha. Xubno ka tirsan shacabka, madaxda Carabta iyo kuwa Islaamka ayaa ka qeyb galaya aaska, sida ay sheegtay Xamaas.

Sanadihii la soo dhaafay Haniyeh wuxuu musaafuris ku noolaa Doha, taasoo martigelisa xafiiska siyaasadda ee Xamaas. Dilkiisa ayaa walaac ka dhaliyay wada xaajoodka sida uu u socdo, kaasoo uu uu ka ahaa xubin muhiim ah.

Mas’uuliyiinta Qatar ayaa wadashaqeyn la leh Washington iyo Masar si loo helo heshiis lagu sii daayo la haystayaasha iyo xabbad joojinta Gaza.

Waxaa jira su’aalo badan oo aan wali ka taagan dilka Ismaaciil Haniyah, oo ay ku jiraan sidii loo dilay hogaamiyihii siyaasadda Xamaas iyo sida ay arrintan uga dhacday dhulka Iran.

Warbaahinta dowladda Iran ay sheegtay in la dilay isagoo booqanaya Tehran oo uu ka qeyb galayo caleema saarka madaxweynaha Iran. Haniyeh waxa uu daganaa guri ay daganaayeen mujaahidiinta oo ku taal degmo ku taal waqooyiga Tehran, laakiin lama oga goobta saxda ah.

Wararka Iran ayaa sheegaya in lagu dilay walxa qarxa oo lal beegsaday dhismihii la dejiyey laakiin weli lama garanayo waxa ay taasi ka dhigan tahay. Ma gantaal laga soo riday diyaarad mise diyaarad Drone ah oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa?

Weli ma jiraan wax sawiro ah oo laga soo qaaday goobta uu ka dhacay weerarka kuwaasoo muujinaya natiijada ka dhalatay, ha ahaato warbaahinta dawladda Iran ama baraha bulshada.

HOOS KA DAAWO SAWIRADII U DAMBEEYEY EE ISMAIL HANIYA LAGA QAADAY SAACADO KA HOR DILKIISA ISAGOO KULAMO LA QAADANAYA MADAXDA IRAN, KANA QEYB GALAYA CALEEMO SAARKA MADAXWEYNAHA CUSUB.

Related posts

Uhuru Kenyatta oo Rooble ka dalbaday iney ka wada hadlaan arrinta kiiska Badda

Caydiid Ali

Madaxweynaha Ruushka oo Hanjabaad adag u diray labo dal oo katirsan Yurub

Cabdi Cade

Shaki laga muujiyay weerarkii lagu qaaday Xalane & Jabuuti oo war kasoo saartay Qilaafka Farmaajo ..…!!

admin