Weriyaha Aljazeera Ismail Al-Ghoul iyo saaxiibkii oo filim qaade ahaa ayaa lagu dilay duqeyn la sheegay in Israa’iil ay ka geysatay waqooyiga Qaza halkaasoo ay si toos ah uga soo warramayeen goob ku dhow guriga la burburiyay ee qoyska hogaamiyihii siyaasadda Xamaas, Ismail Haniyeh.
Al-Ghoul, oo 27 jir ah iyo sawir qaade Rami Al-Rifi, oo labaduba ku noolaa deegaanka go’doonsan, ayaa lagu dilay xerada qaxootiga ee Al Shati, sida ay sheegtay shabakadda Aljazeera fadhigeedu yahay Qatar.
Labada wariye ayaa si toos ah maalintii in badan uga soo warami jiray goob ku dhow gurigii hore ee Haniyeh, kaasoo lagu dilay caasimadda Iran ee Tehran.
Wariye u shaqeeya CNN oo ku sugan Qaza ayaa sheegay in shaqaalahan lagu bartilmaameedsaday duqeyn dhanka cirka ah oo ay fulisay Israa’iil.
“Ismaaciil waxa uu ku sugnaa xerada qaxootiga ee Al Shati isaga iyo saaxiibkii Rami Al-Rifi, halkaasoo ay ka duubayeen falcelinta dilkii Haniyeh,” Khader Al-Za’anoun ayaa u sheegay CNN. “Meydkooda hadda waxa ay yaalaan isbitaalka Al Ahli, waxaana la aasi doonaa dhawaan, Ma rumaysan karo waxa dhacaya.”
Israel ayaa intii uu socday dagaalka Gaza duqeyn ku leysay weriyeyaal fara badan oo ay ku jiraan kuwa Aljazeera kuwaasoo soo tebinayey xasuuqa bahalnimada ah ee ah ku hayaan shacabka falastiin ee halkaas ku nool.