Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo si yaab leh uga hadlay dilka Ismacil Haniya

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa sheegay inuu arkay wararka ku saabsan dilka Haniyeh

Xoghayaha Difaaca Lloyd Austin ayaa sheegay in uusan u malaynayn in dagaalka Bariga Dhexe uu yahay mid lama huraan ah, balse haddii Israa’iil la weeraro, uu Maraykanku difaaci doono

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa Arbacadii sheegay in Maraykanku “aysan ka warqabin ama ku lug lahayn” dilka hoggaamiyaha Xamaas Ismail Haniyah.

Wareysi uu siiyay CNA Singapore, Blinken wuxuu ku celceliyay sida ay uga go’an tahay xabad joojinta Gaza, wuxuuna sheegay inuusan qiyaasi doonin saameynta dilka Haniyeh.

“Ma jiraan wax ka fogeynaya muhiimada in la gaaro xabbad-joojinta taasoo si cad u danaynaysa la haystayaasha iyo keenista gurigooda, waxay si cad u tahay danaha Falastiiniyiinta kuwaasoo si xun u dhibaataysan” ayuu yiri Blinken.

Blinken waxa kale oo uu sheegay in aanu ka fikiri doonin in dilkani uu sababi karo iney sii xumaato xaalada.

Hase ahaatee Tehran ayaa ku eedaysay Washington inay mas’uul ka tahay dilka hoggaamiyihii siyaasadda Xamaas Ismail Haniyeh, iyadoo ku dhaleecaysay Maraykanka in uu yahay xulafo adag oo Israa’iil ah .

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran ayaa si toos ah u cambaareysay Aqalka Cad inuu yahay taageere taliska Sahyuuniyadda ee sii wada gumeysiga iyo xasuuqa Falastiiniyiinta.

Iran waxay xaq u leedahay inay ka jawaabto waxa ay ugu yeertay “tallaabo gardaro ah” oo ka dhan ah “madaxbanaanideeda, iyadoo ugu baaqday caalamka taageera xuquuqda dadka Falastiiniyiinta inay cambaareeyaan dilka.

 

 

Related posts

Ciidamada amniga oo Muqdisho ku xir xiray ganacsato Kaamirooyinka CCTV …

Cabdi Cade

Dowladda Maraykanka oo War ka soo saartay weerarkii lagu qaaday saldhiga Bali-doogle

Caydiid Ali

Cali Guudlaawe oo Arimo muhiim ah kala hadlay Wakiilo katirsan Beesha Caalamka (Sawirro)

Cabdi Cade