Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirro laga soo qaaday Qaraxyadii ka dhacay Muqdisho iyo khasaaraha ka dhashay

Waxaa galabta sadex qarax oo aad u xoogan ka dhaceen agagaarka Isgooska KM-4 ee magaalada Muqdisho , waxaana qaraxyadan lagu weeraray Hotelka Saxafi iyo Hotel kale oo ku dhagan.

Qaraxyadan waxaa ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah iyo sidoo kale Ilaalada hoteelada lagu weeraray qaraxyada ismiidaaminta ah.

Sawirro laga soo qaaday halka ay qaraxyadu ka dhaceen ayaa muujinaya khasaaro xoogan oo ka dhashay qaraxyada, waxaana waxyeelo xoogan soo gaartay dad shacab ah la socday gaadiidka dadweynaha oo halkaasi ku sugnaa.

Waxaa afaafka hore ee Hotelka Saxafi ku yaalay boosteejo gaadiidka dadweynaha laga raro , waxaa sidoo kale laamiga hor mara Hotelka xiliga galbaha uu yahay mid mashquul badan oo gaadiid badan maraan.

Qaraxyada ayaa sidoo kale bur bur xoogan gaarsiiyay xarumo ganacsi iyo gaadiid kala duwan, waxaana wali si rasmi ah loo ogeyn inta uu la egyahay khasaaraha ka dhashay qaraxyadan galabta ruxay Muqdisho.

Related posts

Barakac la bilowday qeybo Muqdisho & Xamar oo marxalad dagaal gashay

Caydiid Ali

Puntland oo lagu casuumay Shir muhiim ah oo ka dhacaya Turkiga (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo Imaaraadka kula kulmay Saqar Gabash (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---