Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Mascuud oo sheegay in Isra’il ka shaleyn doonto dilka Haniya

Madaxweynaha cusub dalka Iran Mascuud Pezeshkian, ayaa si adag uga hadlay dilka Isra’il gudaha  Iran ugu geesatay hoggaamiyihii ururka Xamaas Ismaaciil Haniya, waxa uuna sheegay Madaxweynaha in Isra’il ay ka shaleyn doonto dilka ay geesatay.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha Iran in ay difaaci doonaan madaxbanaanideeda dhuleed, iyo sharafta Iran,  waxa uuna geesi iyo halyey wax badan dadkiisa iyo dalkiisa ku tilmaamay hoggaamiyihii Xamaas ee Ismaaciil Haniya.

Hoggaamiyaha ugu sareeya Iran, Ayatollah Ali Khamenei , ayaa isna sheegay in waajib tahay in Xukuumadda Tehran sameyso aargoosi ku aadan dilka Ismaaciil Haniya, waxa uuna caddeeyay in dilka shahiidkaasi loo geestay aanan laga aamusi doonin.

Ayatollah Ali Khamenei , ayaa Israa’l ku tilmaamay kuwa galay faldambiyeed weyn, waxa uuna ku hanjabay in ay mari doonaan ciqaabta dambiga ay galeyn, ayna Iran falkaasi ka bixin doonto jawaab adag oo aargudasho ah.

Hoggaamiyaha Xamaas ee lagu dilay magaalada Tehran ee caasimadda dalka Iran , ayaa halkaasi u tagay ka qeyb galka caleema saarka Madaxweynaha cusub ee Iran, waxa uuna shalay siyaabo kala duwan Haniya ula kulmay Madaxweynaha Iran iyo Hoggaamiyaha dalkaasi ugu sareeya Ayatollah Khamenei.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shacab Banaan bax ka dhigayay Muqdisho oo rasaas lagu furay iyo Musharax ka hadlay

Cabdi Cade

Toogasho ka dhacday xarun Ganacsi oo kutaala magaalada El Paso (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Dagaalyahano ka tirsan RSF oo 150 qof ku xasuuqay dalka Sudan (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---