Axmed Madoobe “Xamsoow ka daaya Ciidanka Siyaasadaynta waa tii uu ku jabaye”
Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo hadal ka jeediyay Taliska Ciidanka Jubaland ee Buulo Xaaji, halkaasi oo ay shalay booqdeen isaga iyo Ra’iisul wasaare Xamse ayaa ku baaqay in dagaalka Argagixisada laga daayo Siyaasadaynta.
Madaxweyne Axmed Madoobe oo toos ula hadlay Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa si cad ugu sheegay in dowladda Xasan Sheekh kala saarto Ciidanka iyo Siyaasadda, si loogu guulaysto dagaalka ka dhanka ah kooxaha Argagixisada ah.
Madaxweynaha Jubaland ayaa sidoo kale ku celceliyay in sababta ugu weyn ee Ciidamada dowladda Soomaaliya ku jebisay furimaha dagaalka ay tahay siyaasad iyo awaamiir kala duwan oo mid dhinac laga siinayo, taasina u horseeday guul-darrada kaga dhacday goobihii dagaalka Argagixisada.
“Mudane Ra’iisul wasaare, Talada Ciidanka intaa dib ugu noqotaan ha lagu xisaabtamo. Ciidamada dowladda Soomaaliya waxa jebinaya waxa ugu weyn in la isku qaldayo Ciidanimada iyo Siyaasadda. Maalin horena waan ka hadlay arrintaas, Maanta adigii waad joogtaa, Wasiirkii waa joogaa, Taliyihii Ciidanka waa joogaa; Ciidanka iyo Siyaasadda hala kala saaro” ayuu yiri Axmed Madoobe.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa intaasi ku daray in haddii Ciidanka isagoo goob dagaal jooga la siiyo Amarro kala duwan iyo xogo kala duwan oo is khilaafsan ay taasi horsedi doonto in Ciidankaasi lagu jebiyo furimaha dagaalka.