Israa’iil ayaa sheegtay duqeyn ay ka geysatay xaafadda Dahiyeh ee koonfurta Beirut, ay ku dishay taliye sare oo ka tirsan ururka Xisbullah oo lagu magacaabo Fouad Shukr, ninkan ayaa kamid ahaa xubnaha Xisbullaah ee sida weyn Israa’il u raadineysay.
Kooxda hubaysan ee Xisbullaah ayaa soo saartay bayaan horudhac ah oo ku saabsan weerarka Israa’iil ay ku qaaday magaalada Beirut, kaa oo la sheegay in lagu dilay sargaalkan sare oo katirsanaa kooxda Xisbullaah, Fu’aad Shukr.
Bayaan Xisbullaah soo saartay waxa ay ku sheegtay in taliye Fu’aad Shukr, oo sidoo kale loo yaqaano Hajj Mohsen, uu ku sugnaa dhismaha markii la weeraray, laakiin waxa ay sheegtay in aan wali la garanayn halka uu ku dambeeyay nolol iyo geeri.
”Weerarku wuxuu sababay “burbur xooggan oo soo gaaray dhowr dabaq oo dhismaha ah.Tan iyo markii ay dhacday dhacdada, kooxaha difaaca madaniga ah waxay si taxadar leh uga shaqeynayeen sidii ay u soo saari lahaayeen burburka, inkastoo si tartiib tartiib ah ay ugu wacan tahay xaaladda dabaqyada burburay. Waxaan wali sugeynaa natiijada ka soo baxda howlgalkan ku saabsan masiirka hoggaamiyaha sharafta leh iyo muwaadiniinta kale ee ku sugan goobtan si ay uga hawlgalaan,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Mar sii horreysay, Israa’iil waxay sheegtay inay dishay taliyihii ururka Xisbullaah, balse ilo wareedyo ka tirsan kooxda hubeysan ee Lubnaan ayaa sheegaya inuu badbaaday, mana cadda wali xaqiiqada halka uu ku dambeeyo nolol iyo geeri Fu’aad Shukr.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com