Dowladaha Ruushka iyo Turkiga ayaa si adag u cambaareeyay dilka magaalada Tehran ee caasimadda dalka Iran loogu geestay hoggaamiyihii ururka Xamaas Ismaaciil Haniya, oo dalkaas u tagay ka qeyb galka caleemo saarka Madaxweynaha cusub ee Iran.
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda dowladda Ruushka Mikhail Bogdanov, ayaa si kulul u cambaareeyay dilka loo geestay hoggaamiyaha Xamaas Ismaaciil Haniya, waxa uuna dilkan ku tilmaamay in uu yahay mid siyaasadeed aan sinaba loo aqbali karin.
“Tani waa dil siyaasadeed oo aan la aqbali karin, waxayna u horseedi doontaa xiisado kale oo dhacda” ayuu yiri wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ruushka Mikhail Bogdanov.
Dhinaca kale Wasaaradda Arrimaha Dibadda dowladda Turkiga ayaa si kulul cambaareesay dilka loo geestay hoggaamiyaha ururka Xamaas, waxa ayna wasaaradu sheegtay in tallaabadan Isra’il ku dishay Ismaacil Haniya muujineyso in aysan niyad u heyn in nabbad la gaaro.
” Tallaabadan lagu dilay Ismaaciil Haniya waxa ay mar kale muujinaysaa in xukuumadda Netanyahu aysan wax niyad ah u haynin nabad la gaaro. Gobolku waxa uu wajihi doonaa isku dhacyo aad u weyn haddii beesha caalamku aysan qaadin tallaabo lagu joojinayo dulmiga Israa’iil,”ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga.
Dilka Isra’il u geesatay hoggaamiyaha ururka Xamaas ayaana laga cabsi qabaa in ay sare u qaado xiisadda ka taagan bariga Dhaxe, waxaana jirta cabsi laga qabo in dowladda Iran oo dalkeeda ka dhacay dilkan in iyana tallaabbo qaado.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com