Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir si farxad leh uga hadlay Dilka Hoggaamiyihii Ururka Xamaas

Maamulka Isra’il ayaan wali si rasmi ah u sheegan masuuliyadda dilka hoggaamiyihii dhinaca siyaasadda ee ururka Xamaas Ismaaciil Haniya, oo lagu dilay weerar lagu qaaday guri uu ka deganaa magaalada Tehran ee caasimadda dalka Iran.

Wasiirka Hiddaha ee maamulka Isra’ilĀ  oo lagu magacaabo Amichay Eliyahu ayaa qoraal uu soo saaray ku muujiyay sida ay ugu faraxsan yihiin dilka loo geestay hoggaamiyaha Xamaas, mana sheegin wasiirka in maamulkooda ka dambeeyeen dilka.

Amichay Eliyahu, ayaa sheegay in dilka hoggaamiyaha Xamaas Ismaacuul Haniya ay dunidda ka dhjigeyso meel wannaagsan, waxa uuna tallaabada lagu dilay ku tilmaamay mid dunidda ka nadiifineysa wasaqda sida uu tilmaamay.

”Dhimashada Ismaaciil Haniyeh, ayaa adduunka ka dhigayso meel wanaagsan, tani waa dariiqa saxda ah ee adduunka looga nadiifin karo wasakhda” ayuu yiri wasiirka hida ee Israa’il katirsan garabka midig ee maamulka Yahuuda.

Wasiirkan ayaa sidoo kale sheegay in dilka hoggaamiyaha Xamaas ay xoojin doonto awoodda maamulkooda, waxa uuna intaa ku daray in kuwa nabadda jecel ay kula noolaan doonaan hadda kaddib nabad iyo xasillooni.

Isra’il ayaa marar badan ku hanjabtay in ay dili doonaan hoggaamiyaha ururka Xamaas Ismaaciil Haniya oo dibadjoog ahaa tan iyo sannadkii 2019-kii, waxaana hoggaamiyahan lagu dilay dalka Iran uu u tagay caleemo saarka Madaxweynaha cusub ee Iran.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Safiiradii ugu badnaa ee Maraykanka u fadhiya dibeda oo is casilay & Sababta ka dambeysa

Caydiid Ali

Ciidanka dowladda oo Weerar gaadmo ah ku dilay 60 dagaalyahan oo katirsan Al Shabaab

Cabdi Cade

Itoobiya oo la siiyay Gaadiid ay u adeegsato la dagaalanka Al Shabaab (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---