In ka badan Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka DFS, kana soo jeeda Beesha Daarood ayaa kula kulmay maanta magaalada Muqdisho Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh
Xildhibaanada ayaa hadlay Xassan Shiikh sadex arrimood oo kala ah, doonistooda RW ku-xigeen, Dhulal looga haysto Muqdisho, Qoondada & Aqoonsiga Maamulka SSC-Khaatumo sida ay sheegayaan warar laga helayo ilo lagu kalsoon yahay
Madaxweyne Xassan Shiikh ayaa u sheegay xubnahan in uusan siineyn dhankooda RW ku-xigeen, maadaama ay heysato beesha daarood Raisul Wasaare, aysana jirin sabab hadda taas looga hadlo, isagoo sheegay in RW ku xigeen uu uu u balanqaaday Beesha Digil & Mirifle dhawaana uu magacaabayo, maadaama dastuurka ay kala shaqeeyeen.
Aqoonsiga SSC Khaatumo ayuu sheegay in ayaga looga baahan yahay keenida Gobal & Bar dhameystiran, si la mid ah sidii Galmudug, oo ay arrintaas ka wada shaqeynayaan (Labo kamid ah Senatarada kasoo jeeda Sanaag & Sool.
Qoondada ayuu sheegay in wax badan dhankooda jiraan beesha Daaroodka, Dhulalka iyo qadiyadaha la xariirana ay maxkamaddaha & Hay’addaha Garsoorka dalka aadaan oo halkaas dacwadahooda geeyaan.
Xildhibaanada Daarood ee ka qeyb galay kulankaas ayaa la sheegay iney ka argagaxeen jawaabaha Mutaxan ee Madaxweynaha Soomaaliya, kuwaasoo bilaabay in ay baraha wadahadalka ee WhatsApp ku iclaamiyaan shirar ay berri iskugu yimaadaan.