Allbanaadir.com
NEWS

Maxaa ka jira in Fouad Shukr lagu dilay duqeynta Israel ee Beirut?

Israa’iil ayaa ku sheegtay duqeynta ay ka geysatay xaafadda Dahiyeh ee koonfurta Beirut, inay ku dishay sarkaal sare oo ka tirsan Xisbullah oo lagu Fouad Shukr kaasoo ka mid ah saraakiisha ugu muhiimsan Xisbullah oo sidoo kale ah la-taliyaha sare ee arrimaha militariga ee hoggaamiyaha Xisbullah, Xasan Nasrallah,iyagoo ku eedeynaya inuu ahaa maskaxdii ka dambeysay weerarkii Majdal Shams oo lagu dilay 12 qof oo ka soo jeeda Suuriyaanka deggan gobolka la heysto ee Golan Heights.

Wakaaladda wararka Iran ee Tasnim, ayaa sida ay ka soo xiganayso Al-Jazeera ku warrantay inuu fashilmay howlgalka ay sheegtay Israa’iil inay ku beegsatay Fouad Shukr, oo ka mid ah saraakiisha ugu sarreysa Xisbullah iyo howlgeliyaha howlgallada militari.

Hase ahaatee, Al Arabiya ayaa ku warramaysa ilo-wareedyo inay u xaqiijiyeen weerarkii Israa’iil ee Beirut in lagu dilay Fu’aad Shukr oo ahaa sarkaalkii ugu sarreeyey ee howlgelinta Xisbullah.

Beegsiga sarkaalka ugu khibrada sarreeya ee Xisbullah ayaa dhalinaya su’aal ah heerka uu gaarsiisanyahay habka ay u ilaalinayaan Xisbullah dhaqdhaqaaqa saraakiishooda sare, xilli ay sare martay xiisadda kala dhaxeysa Israa’iil.

Related posts

Fahad Yasin oo dhaliilay talaabada DF ku dalbatay in la xiro xafiiska QM ee Somalia

Caydiid Ali

Puntland oo digniin ka bixisay qorshe Somaliland ka damacsan tahay Sanaag

Caydiid Ali

Qoor-qoor oo 5 arrimood kala hadlay wakiilada beesha caalamka ee Somalia (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---