Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Israel oo caawa duqeysay caasimada Lubnaan ee Beirut (Sawirro)

Israa’iil ayaa caawa duqeyn culus ka geysatay koonfurta caasimadda Lubnaan ee Beirut.

Israa’iil ayaa ku sheegtay duqeynta ay ku geysatay xaafadda Dahiyeh ee koonfurta Beirut, inay ku dishay sarkaal sare oo ka tirsan Xisbullah

Fouad Shukr waa mid ka mid ah magacyada ugu muhiimsan howlgaliyaasha Xisbullah oo sidoo kale ah la-taliyaha sare ee arrimaha militariga ee hoggaamiyaha Xisbullah, Xasan Nasrallah,

Israel ayaa ku eedeysay inuu ahaa maskaxdii ka dambeysay weerarkii Majdal Shams oo lagu dilay 12 qof oo ka soo jeeda Suuriyaanka deggan gobolka la heysto ee Golan Heights.

Haddii dhimashadan laga soo sheego dhinaca Xisbullah, taasi waxay ka dhigantahay argoosi sare oo Israa’iil ku dhaqaaqday.

Shukr oo loo yaqaan Hajj Mohsen, waxay FBI-da Mareykanka ku raad joogtay muddo dheer, waxay markaa ku eedeynayeen inuu ku lug lahaa qaraxii ka dhacay xeradii ciidamada badda Mareykanka ee Beirut 1983-kii kaasoo lagu dilay 241 askari oo Maraykan ah.

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse oo arrin muhiim ah kala hadlay Kristina Svensson (Sawirro)

Cabdi Cade

Meydadka Wiilal walaalo ah oo saaka laga helay Webiga Shabelle ee Belad-weyne

Caydiid Ali

Dad badan oo ku dhintay God Dahabka si sharci-darro ah looga qodayay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---