Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Somalia oo loogu deeqay qalab casri ah (Sawirro)

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/guuto. Sulub Axmed Firin oo uu wehliyo Taliyaha Hoggaanka Baarista Dembiyada G/dhexe, Muxudiin Axmed Cusmaan ayaa maanta Safaarada Shiinaha kala wareegey agab loogu tala galay Baarista cilmiyeysan ayagoo isla goobtaas  tababar ugu soo xirey sarakiishii isticmaali laheyd agabkaas kuwaas oo muddo Tababar ugu jirey sidii ay u isticmaalilahaayeen agabkaas qiimaha badan u leh baarista dambiyada.

Waxaana gacan ka gaystey  Tababarka macalimiin  ka socdey  dalka Shiinaha kuwaas oo qibrad dheer u leh baarista cilmiyeysan .

Safaarada ayaa ku wareejisey aqabka baarista cilmiyeysan ee Forensic Digital ka Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayagoo Isticmaalka qalabkaasna u tababarey qaar ka mid ah Saraakiisha Boliiska .

Hoggaanka Baarista Dembiyada ayaa dhawaanahaanba waday qorshe lagu hormarinayo baarayaasha xirfadlayaasha ah ee ka howlgala Baarista Dembiyada waaweyn ee Dalka dhaca.

Related posts

RW Rooble oo sheegay ineysan waxba iska bedelin xiligii loo qabtay dhaarinta Xildhibaanada

Caydiid Ali

Somalia oo ka mid noqotay 47 dal oo laga saaray Liiska casaanka ah ee Britain

Caydiid Ali

Madaxweyne Muuse Biixi oo cafis u fidiyay Boqor mucaarad ku ahaa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---