Wakaaladda wararka AP, ayaa ku warrantay in Xisbullah ay bilowday diyaarinta gantaalada la hago ee bartilmaameedkooda si toos ah u garaaca.
Sarkaal ka tirsan kooxda oo AP la hadlay ayaa sheegay inaysan dhankooda dooneyn dagaal ba’an oo ay la galaan Israa’iil, balse haddii Israa’iil ay ku soo qaado duulaan ballaaran inay la galayaan dagaal aan xad lahayn.
Israa’iil iyo sirdoonka reer galbeedka ayaa warbixinnadooda ku muujiyay ugu yaraan 150,000 kun oo gantaal inay haysato Xisbullah, taasoo ka dhigan muddo 4 bil ah inay maalin walba ku weerarri karaan kun gantaal gudaha Israa’iil, kuwaaso gaari kara goob kasta oo ka mid ah dhulka ay Israa’iil heysato.
Xisbullah ayaa diyaarad aan duuliyaha lahayn ee is-qarxisa ku weerartay koonfur-galbeed dhulka ay Israa’iil heysato, inkasto si dhaqso ah ciidanka Israa’iil ay u sheegeen inay ka hortageen weerarkan.
Gudaha Lubnaan, waxaa ka jirta xaalad feejignaan ah, tan iyo markii ay Israa’iil shaacisay inay ka jawaabayso weerarkii maalin ka hor ka dhacay Majdal Shams oo lagu dilay 12 Israa’iiliyiin, waxaana xiisaddaa loo joojiyay duulimaadyadii caalamiga ahaa ee tagi jiray Lubnaan, halka ay dalalka reer galbeedka billaabeen inay kala baxaan muwaadiniintooda.