Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

War Deg Deg Ah: Qaraxyo xoogan oo goordhaw ka dhacay Magaalada Muqdisho

Sadax qarax oo is xig xiga oo aad u xoogan walina la ogeyn waxyaabaha loo adeegsaday ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan meel lagu qiyaasay laamiga Maka Al Mukarama.

Qaraxyada ayaa ahaa kuwa xoogan oo daqiiqado kala dambeeyay, waxaana uuro iyo qaac badan laga arkayaa agagaarka Isgooska KM-4 gaar ahaan meel u dhaw Hotelka Saxafi iyo Xarunta CID-da.

Wali lama oga qaraxyadan xoogan ee dhacay halka rasmiga ah ee lala eegtay iyo waxyaabaha loo adeegsaday, waxaana rasaas goos goos ah laga maqlayaa aaga halka ay qaraxyadu ka dhaceen.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

Related posts

Maamulka Gobolka Banaadir oo iclaamiyey banaanbax weyn oo looga horjeedo..

Caydiid Ali

Mareykanka iyo Itoobiya oo mar kale isku dhacay ka dib safarkii Blinken ee Addis ababa

Caydiid Ali

Soomaaliya oo ka qeyb gashay Shir Muhiim ah oo ka dhacay dalka Rwanda (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---