Magaalada Gwadar ee dalka Pakistan, oo ay ku taallo deked muhiim ah oo Shiinuhu uu dhisay, ayaa waxaa ka taagan xiisad u dhexeysa ciidamada iyo dibadbaxayaasha bulshada Baloch kuwaas oo cabasho ka muujinaya xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo shacabkooda lagula kacay.
Kumanaan debedbaxayaal ah oo ay hoggaaminayaan guddida midnimada ee Baloch ama loosoo gaabiyo BYC, ayaa isku urursaday dhinaca koonfurgalbeed ee magaalada iyaga oo kulankooda ugu magacdaray kulanka qaran ee qowmiyadda Baloch.
Dadkan ayaa dalbanayey in meel lagu sheego dhibbanayaal la waayey iyo weliba waxa laga faa’iiday mashaariicda waaweyn ee Shiinuhu uu ka wado gobolka Balochistan ee qaniga ku ah khayraadka dabiiciga ah.
Mudaharaadadan ayaa sii xoogaystay, waxaana ciidamada milaterigu ay sheegeen in kooxo budhcad ah oo ka tirsan bulshada Baloch inay dileen mid ka mida ciidamadooda, xilli ay ciidamada milaterigu sugayeen ammaanka magaalada Gwadar.
Qoraalka ka soo baxay milateriga ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay 16 qof oo kale ay ku dhaawacween rabshadahaasi.
Hoggaamiyaha ururka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda Baloch ayaa sheegay in ciidamada milaterigu ay xidheen in ka badan 1000 qof, saddexdii maalmood ee ugu dambeeyey, si loo kala diro isu-soo baxyada.
Dhacdooyinkan ayaa kor u qaaday werwerka laga qabo in la beegsado mashaariicda iyo muwaadiniinta Shiinaha, waxaana dawladda Pakistan ay kor u qaaddan ammaanka muwaadiniinta Shiinaha ee dalkeeda ku sugan.
Iyada oo Pakistan ay la tacaaleyso falalka abaabulan ee argagixisanimada iyo kooxaha gooni u goosadka ah ee Bolach, ayaa maamulka gobolkaasi wuxuu isku dayayaa inuu sugo ammaanka muwaadiniinta Shiinaha ee gobolkaas ka shaqeeya iyo weliba mashaariicda Shiinuhu inay noqdaan kuwo bedqaba.
Isniintii, Wasiirka Arrimaha Gudaha Pakistan Mohsin Naqvi ayaa u sheegay Zhao Shiren, Qunsulka Guud ee Shiinaha ee Lahore, inay qaadeen tallaabooyin lagu sugayo ammaanka muwaadiniinta Shiinaha ee ku nool dalka Pakistan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com