Allbanaadir.com
NEWS

Dad careysan oo xoog ku galay xero Milatariga Isra’il leeyihiin

Dibadbaxayaal careysan ayaa xoog ku galay xero ay leeyihiin ciidanka milatariga Israail, dadka dibadbaxa dhigayay ay ku jiraan siyaasiyiin mucaarad ah ayaa kasoo horjeeday xarig loo geestay askar lagu eedeeyay in tacadiyo u geesteen maxaabiis.

Qaar kamid ah ciidamada milatariga Israa’il ayaa lagu eedeeyay in ay faraxumeeyeen maxbuus Falastiin ah oo gacantooda ku jiray, waxaana askarta falkaasi lagu eedeeyay la sheegay in deg deg loo xiray lagana dhigay hubkii ay wateen.

Xarigga askarta loo geestay ayaa waxaa ka carooday dad ay ku jiraan siyaasiyiinta midigta fog ee Israa’il. kuwaa oo dalbanayay in askarta la xiray xuriyadooda loo soo celiyo, waxa ayna dadkan difaacayeen askarta tacadiga ku kacday.

Ra’isul Wasaaraha Israa’il Benjamin Netanyahu ayaa si adag u cambaareeyay rabshadaha ay sameeyeen dadka dibadbaxa dhigayay ee galay xerada milatari, waxa uuna ugu baaqay dadkaasi in xaalada dejiyaan ayna joojiyaan rabshada.

Maamulka Israa’iil ayaa marar badan beenisay eedeymaha kooxaha xuquuqul insaanka ee ku aadan in dagaalyahanada Xamaas ee gacanta u galay ciidamada Israa’iil ay la kulmaan tacadiyo loogu gaysto xabsiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas oo xafiiskiisa ka soo saaray War-saxaafadeed (Akhriso)

Caydiid Ali

Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Lacag ah Gaarsiiyay qoysas dan yar Ah (Sawirro)

Cabdi Cade

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda machadka Vlatacom iyo Shirkadda PULSEC (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---