Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaan ku baaqay in loo dhaafo reer Caabudwaaq hubkii ay boobeen

Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xiddig oo katirsan xildhibaannada golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegay in sanadihii lasoo dhaafay garoonka Muqdisho diyaarado laga saarayay hub loo waday beelo gaar ah.

Waxa uu sheegay xildhibaanka in hubka Muqdisho laga dirayay lagu caawinayay lana siinayya beelo iyo ciidamo magacyo kala duwan loo bixiyay, waxa uuna xusay in hubkaasi dowladda direysan aan marnaba wax laga siin beesha degta degmada Caabdudwaaq.

Xildhibaanka ayaana ku baaqay in laga haro farahana looga qaado dadka reer Caabudwaaq hubkii badnaa ee dhawaan gacanta u galay, isaga oo tilmaamay in hubkaan yahay qoondo lamid ah kuwii beelaha kale ay dowladda Muqdisho uga direysay.

”Sannadkii lasoo dhaafay Muqdisho hub ayaa laga raray oo la siinayay beelo iyo ciidamo magacii la rabo haloo bixiyo , sidaa darteed beesha kaliya ka qadsaneyd hubkaasi waxa ay aheyd beesha degta Caabudwaaq, hubka u tagay Caabudwaaq haddiiba uu jiro waxaan qabaa in loo dhaafo ,waxba kama duwana kuwii hore dowladda dirtay” ayuu yiri Xildhibaan Xiddig.

Shacabka degmada Caabudwaaq ayaa dhawaan gacanta ku dhigay hub tiro badan oo lagu waday baabuur nuuca xanuulka qaad ah, hubkan oo kasoo galay dhinaca dalka Itoobiya ayaan wali la ogeyn cidda iska laheyd, waxa ayna dowladda sheegtay in uu ahaa hub sharcidarro ah oo ay gacanta kusoo dhigeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

DEG DEG: Madaxweynihii hore ee Suudaan Al-Bashiir oo xabsiga laga sii daayey

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo Cadaadis xoogan la saaray iyo labo Qodob oo laga dalbaday !

Cabdi Cade

Wasaarada Amniga Gudaha oo soo bandhigtay 14-Farsadood oo Shaqo ah

Cabdi Cade