Allbanaadir.com
NEWS

Shacabka Muqdisho oo helaya Shahaadada Guurka iyo Furriinka

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa  Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Daah-furay dib-u-howlgelinta adeegyadii hore ee dad-dhigidda dowladda Hoose ee Xamar, taasi oo muddo 34-sano ah aan loo qaban shacabka.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in shacabka ay hada kadib heli doonaan adeegyadii loogu bartay waaxda Dad-dhigidda dowladda hoose ee Xamar oo ay ka mid tahay diiwaangelinta caruurta ku dhasha Isbitaalada magaalada Muqdisho.

Waxa uu sidoo kale sheegay guddoomiyaha gobolka in dadka Muqdisho hadda kadib heli doonaan shahaadada guurka iyo shahaadada furriinka, taasi oo qeyb weyn ka qaadaneysa gaarista diiwaangelin sax ah oo ay yeeshaan shacabka Soomaaliyeed.

Soomaaliya sanadihii lasoo dhaafay kama jirin in diiwaanka la galiyo carruurta magaalada ku dhalata iyo sidoo kale in la diiwaangeliyo guurka iyo furriinka, iyadoona kaliya warqada iyo guurka sameysan jireen dadka leemanka dibadda dacwad u galaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Immisa jeer ayey 15 sano gudahood Gaza ku dagaalameen Xamaas iyo Israel?

Caydiid Ali

Gabar Soomaaliyeed oo si arxan daro ah loogu dilay magaalada Nairobi

Cabdi Cade

Madaxda Golaha Wadatashiga oo ka qeyb-Galay qorshaha Somalia cagaar ah (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---