Allbanaadir.com
NEWS

Hooyo xukun lagu riday kaddib markii gabadheeda ay guur ku qasabtay

Dalka Australia haweeneydii ugu horeeysay ayaa loo xiray sharciga guurka qasabka ah, kadib markii ay gabadheeda oo 21-jir ahayd ku qasabtay inay guursato nin aysan rabinĀ  oo markii dambana nolosha dhaafiyay

Sakina Muhammad Jan, oo 40 jir ah, ayaa lagu helay danbi ah inay ku qasabtay gabadheeda Ruqia Haidari inay guursatoĀ  nin lagu magacaabo Mohammad Ali Halimi oo 26 jir ah sannadkii 2019, xiligaas oo ay ka qaadatay lacag yar.

Lix asbuuc ka dib arooska, Mohammad ayaa dilay xaaskiisii – waxaana lagu helay dambiga isagoona hadda qaadanaya xukun xabsi daa’in ah.

Isniinta shalay, haweeneydan oo qiratay dambiga ayaa lagu xukumay hal sanno oo xabsi ah, garsooraha maxkamadda ayaana sheegay in ay jirtay wax uu ugu yeeray “cadaadis aan loo dulqaadan karin” in ay kula kacday gabadheeda.

Shuruucda guurka qasabka ah ayaa lagu soo bandhigay Australia 2013 iyada oo xukunka ugu badnaan uu yahya todobo sano oo xarig ah.Waxaa jira dhowr kiis oo la xiriira guur qasab ah kuwaas oo maxkamad sugaya, laakiin haweeneydaan ayaa noqotay qofkii ugu horreeyay ee lagu maxkamadeeyo dembiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gudoomiyihii hore ee Baarlamanka Hirshabelle oo xil cusub loo magacaabay

Caydiid Ali

Al-Shabaab oo weerar khasaare geystay ka fuliyey gudaha dalka Kenya

Caydiid Ali

Shir shaki galiyay Farmaajo oo Xalane ka furmay iyo Musharax dagaal ooge ku…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---