Allbanaadir.com
NEWS

Maxay ka wada hadleen Xassan Shiikh iyo dhigiisa Erdogan?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa wada-hadal telefoon ah la yeeshay dhiggiisa Jamhuuriyadda Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogan.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga istaraatiijiga ah ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, gaar ahaan dhinacyada tamarta iyo difaaca.

Madaxweyne Erdogan ayaa xaqiijiyay in Turkigu uu sii wadi doono taageerada uu u fidiyo Soomaaliya, isaga oo adkeeyay muhiimadda Turkigu uu siinayo madaxbanaanida, gobnimada iyo midnimada dalka iyo dadka Soomaaliyeed iyo taageerada howlgallada Ciidanka Qalabka Sida ee dabar-goynta argagixisada.

Baarla.0maanka Turkiga ayaa maalmo ka hor ansixiyay mooshin u oggalaanaya Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan inuu ciidamo badda ah geeyo badda Soomaaliya. Muddada sharciga ah ee Baarlamaanka ay ansixiyeen ayaa ah labo sanno, wuxuu u baahan doonaa in waqtigaa dib loo cusboonaysiiyo.

Tallaabadan ayaa daba socota heshiis iskaashi oo dhanka difaaca iyo dhaqaalaha ah oo ay wada saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya bishii Febraayo, kaasoo ujeeddadiisu ahayd in lagu xoojiyo awoodda difaaca badda Soomaaliya iyo in la dhiso ciidan badeed.

Related posts

Joe Biden oo Magacaabay Xoghayaha Arimaha Dibadda Mareykanka iyo Xilal kale

Cabdi Cade

DAAWO TOOS: Xaflad weyn oo ka socota Dhuusamareeb iyo Xassan Shiikh oo ka qeyb galaya

Caydiid Ali

Saraakii labo cisho ku xanibnaa garoonka Kismaayo oo dib loogu celiyey Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---