Allbanaadir.com
NEWS

Weerar Toorey loo adeegsaday oo ka dhacay Southport (Sawirro)

Booliiska Merseyside ee dalka Ingiriiska ayaa sheegay in ay heleen xogta nin ‘’tooreey dad ku weeraray’’ kadib markii laga soo wacay guri ku yaala Hart Street ee Southport.

Waxa ay sheegeen in ay xireen nin iyagoona sheegay in ay heleen mindi weerar lagu fuliyay, iyagoona intaa hadalka ku daray in haatan aysan jirin khatar laga cabsado.

Mid kamid ah dadka dagan halka uu weerarka ka dhacay ayaa badbaadiyay 10 gabdhood isagoona gurigiisa ku xareeyay intii uu socday weerarka tooreyda ah.

Dadka ayaa isku dayay in ay gacanta ku dhigaan nin looga shakiyay in uu weerarka fuliyay kahor inta aysan booliiska imaan.

Adeegga Ambalaasta ee Waqooyi Galbeed (NWAS) ayaa sheegay in ay gargaar u fidiyeen 8-qof oo qaba dhaawacyo ka soo gaaray tooreey, iyagoona intaa hadalka ku daray in ay direen 13 gaadiid iyo adeeg caafimaad. Waxaana dadkaasi qaarkood la gaarsiiyay Isbitaalka Carruurta ee Alder Hey, halka kuwo kale oo ay soo gaareen dhaawacyada mindida loo qaaday Isbitaalada sida midka Jaamacadda Aintree iyo Isbitaalka Southport iyo Formby.

Xoghayaha arrimaha gudaha Ingiriiska Yvette Cooper ayaa sheegtay in ay “aad uga walaacsan tahay” dhacdada aadka u daran ee Southport, iyadoona tiri. “Waxa aan murugada la qeybsanayaa qoysaska iyo dadkii qiimaha lahaa ee dhibaatadu saameysey, ’’.

Milkiile meherad ku leh goob ka agdhaw halka ay wax ka dhaceen sidoo kalena booliiska wacay ayaa sheegay in dhacdadani ay lamid tahay “muuqaal filim argagax leh.”

Colin Parry, oo ah mulkiilaha Masters Vehicle Body Repairs ee Hart Street, ayaa sheegay in uu rumaysan yahay in lix ama toddobo “gabdho oo yaryar” la tooriyeeyay.

Related posts

Daawo Sawirro: Weeraro lagu hayo Masaajidada iyo xarumaha ay leeyihiin muslimiinta dalka….

Cabdi Cade

Aroosad habeenkii koobaad ee aqal galkeeda xabsi la dhigay iyo askartii xirtay oo la heesto

Cabdi Cade

Rag bambooyin ku Weeraray saldhigyo Boolis oo Muqdisho lagu qabtay

Caydiid Ali