Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir Cali Xoosh oo su’aalo xasaasi ah lagu weydiiyey Aqalka sare

Ku-simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan braahim oo uu weheliyay Guddoomiye ku xigeenka labaad, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde), ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga shanaad kulankiisa 5-aad eeĀ  Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS.

Ajandaha kulanka ayaa ahaa dhagaysiga war-bixinta iyo waydiimo furan oo ku saabsan wasaaradda arrimaha Gudaha qaar kamid ah hay’addaha hoos yimaada oo kala ah: Hay’adda maareynta Musiibooyinka, Hay’adda Diwaangalinta iyo Aqoonsiga Dadwayaha & hay’adda Qaxootiga Qaranka .

intaas ka dib Sanatarada Golaha Aqalka Sare, ayaa su’aallo ka waydiiyey Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh) qorshaha Wasaaradda uga diyaarsan Arrimaha dib u heshiista dalka iyo colaadaha sokeeyey ee ka soo cusboonaaday deegaano ka mid ah dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo qorshaha nabadaynta iyo xasilinta deegaannada laga xoreeyey kooxaha khawaarijta.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf, ayaa sidoo kale mudanayaashu waydiiyeen qaabka u dhici doonaan dooarashooyinka Dowladaha xubnaha ka Dowladda Federaalka SoomaaliyaĀ  ee ku bisha Agoosto ee soo socota.

Dhinaca kale, Senatarradu waxay su’aalo kala duwan waydiiyeen Guddoomiyaha hey’adda SODMA qaabka ay u maareeyaanĀ  gargaarka loogu talagalay dadka ku nool deegaanada laga xoreeyay Khawaarijta, kuwii ay saameeyeen Fatahaadaha, iyo abaarihii ka dhacay Dalka.

Guddoomiyaha Hey’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Dadwaynaha ayey Sanataradu waydiiyeen qorshaha uga degsan sidii lagu gaadhsiin lahaa kaadhka aqooonsiga qaranka, dhammaan dadwaynaha ku dhaqan deegannada dowlad gobaleedyada Dalka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf (Cali Xoosh) iyo madaxda Hay’adaha hoos yimaada Wasaaradda ayaa ka jawaabay dhammman waydiin odhaahyadii maanta.

Waxayna Sanatarada Aqalka Sare ayaa soo jeediyey in dib u eegis lagu sameeyo magaca Hay’adda Maaraynta Masiibooyinka Qaranka

Ugu dambayntii, Guddoomiye Ku xigeenka 1aad ahna ku simaha Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS ayaa kulanka soo xiray, isagoo u mahadceliyay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo madaxdii kale ee la socotay.

Related posts

Jilaa caan ah oo xirtay dharka Booliiska oo la filayo in uu ciqaab adag la kulmo

Cabdi Cade

Hogaamiye dhowr bilood ka hor la shaaciyey in la dilay oo Video soo diray (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Militariga Soomaaliya oo lagu eedeeyey inay duqeymo ku dileen dad badan oo shacab

Cabdi Cade