Allbanaadir.com
NEWS

Dib u habeyn lagu sameynayo siyaasadaha shaqo ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo Isniin ah sheegay in dib u habeyn lagu sameynayo siyaasadaha iyo hab-raacyada shaqo ee Wasaaradda.

Waxa uu sheegay wasiirka in isbadal cusub la sameyn doono si loo gaaro qaab-dhismeed horseedaya isbeddel lagu horumariyo howl-qabadka Wasaaradda, iyadoo loo marayo iskuduwid waxtar leh iyo hindisayaal istiraatijiyadeed.

Wasiirka ayaa hadalkani maanta ka sheegay kulan ay ka qeybgaleen Xoghayaha Joogtada, la-taliyayaasha kala duwan ee Wasaaradda oo lagaga hadlay sidii lagu gaari lahaa waxqabad la taaban karo iyo ka guul keenidda waxyaabaha mudnaanta leh, qaab-dhismeedka, siyaasadda dibadda iyo hab-raacyada shaqada ee Wasaaradda.

Intii kulanka lagu guda-jiray ayuu Wasiirku faray in la magacaabo guddiyo ka kooban la-taliyayaasha iyo khuburrada aqoonta u leh oo ay ku jiraan diblomaasiyiinta oo soo dejiya , kana soo tala-bixiya siyaasadaha iyo hab-raacyada si kor loogu qaado hufnaanta shaqada oo la jaan-qaadaya hiigsiga istaraatiijiyadeed ee Wasaaradda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xaflad dhalasho oo ka socotay magaalada Dadeville oo Dhimasho iyo Murugo isku bedeshay

Cabdi Cade

Jeneraal ilaalo gaar ah u ahaa Boqorka Sacuudiga oo toogasho lagu dilay (Sawirro)

Caydiid Ali

Qarax Masuul hore uu ku dhintay oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade