Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee dowlad goboleedka Galmudug , ayaa goordhaw qoraal ay soo saartay ku qaadacday shirweynaha culumada Soomaaliyeed uu goordhaw magaalada Muqdisho ka furay Madaxweyne Xasan Sheekh.
Shirkan oo qaban qaabadiisa ay leedahay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa horey u diiday ka qeyb galkiisa maamulka Koonfur Galbeed oo sheegay in aysan wax talo ah ku laheyn, waxaa sidoo kale goordhaw shirkan diiday in ay qeyb ka yihiin Galmudug.
Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Galmudug ayaa shaacisay in aysan jirin cid iyaga ka socota oo shirkan ku mataleysa, waxa ay sidoo kale wasaaradda caddeysay in guud ahaanba ay joojisay wadashaqeyntii kala dhaxeysay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Soomaaliya.
Shirweynahan magaalada Muqdisho ka furay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa boqonaya shirkii labaad ee isugu yimaadana culumadda Soomaaliyeed, lamana oga in shirkan qeyb ka yihiin culumo mataleysa maamulada Hirshabelle iyo Jubbaland oo iyagu wali go’aankooda caddeyn.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com