Dowladda Soomaaliya ayaa bilowday in xoog uga saarto dadka degan qaar kamid ah xarumaha dowladda ee kuyaalla magaalada Muqdisho, kuwaa oo marar badan la siiyay digniino kana fureestay dhagaha in ay isaga guuraan xarumahaasi.
Ciidamada dowladda ayaa dhawaan xoog uga saaray dadkii deganaa dhismayaasha wasaaradii hore Arrimaha Gudaha iyo sidoo kale xeradii dabdamiska, waxaana dadka goobahan laga saaray loo dhacay xilli habeen saq dhaxe ah oo ay hurdayeen.
Waxaa hadda cabsi lasoo daristay qaar kamid ah dadka degan xarumaha dowladda ee kuyaalla magaalada Muqdisho, kuwaa oo horey u diiday digniino la siiyay iyo ammaro la xariiray in ay isaga guuraan dhismayaasha dowladda ay degan yihiin.
Dowladda Soomaaliya ayaana hadda usoo jeesatay sidii ay dib ula wareegi laheyd qaar kamid ah xarumaha dowladda ee kuyaalla magaalada Muqdisho, kuwaa oo qaarkood la tuhmayo in dowladda ay ka iibsaneyso ganacdsato kana sameeneyso macaash.
Xarumo badan oo dowladda leedahay kuna yaalla magaalada Muqdisho waxaa hadda degan dad shacab ah oo sannado badan ku noolaa, waxaana suurto gal ah in xarumaha qaar dowladda xoog uga saarato dadka shacabka ah ee degan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com