Gudiga fulinta ee ciyaaraha fudud ee Soomaaliya ayaa kulan ay yeesheen waxay shaqojoojin ku sameeyeen gudoomiyihii ciyaaraha fudud , Faarax Cali Macallin oo hadda howl shaqo u jooga dalka Faransiiska gaar ahaan magaalada Paris.
Guddoomiye Faarax Cali ayaa hoggaaminaya ciyaartoyda Soomaaliyeed ee sannadkan ka qeyb galeysa ciyaaraha Olombikada adduunka ee ka furmay magaalada Paris, waxaana guddoomiyaha lagu eedeeyay in uu sameeyay musuqmaasuq iyo ku takrifal.
Shir ay yeesheen xubnaha guddiga fulinta ee ciyaaraha fudud ayey ku go’aamiyeen in shaqada laga joojiyo guddoomiye Faarax Cali Macallin, waxaana si KMG ah guddoomiyaha guddiga ciyaaraha fudud looga dhigay Mustaf Abdiaziz Mohamed oo horey u ahaa kuxigeenka guddoomiyaha shaqada laga joojiyay,
Guddoomiye Faarax Macallin ayaa wareysi uu bixiyay ku sheegay shaqopjoojinta lagu sameeyay ay tahay mid dhabarjabin ah, waxa uuna xusay in magaaada Paris hadda u joogo hoggaaminta ciyaartoyda Soomaaliya ku mataleysa tartanka Olombikada ee furmay.
Faarax Macallin ayaana sharcidarro ku tilmaamay habka shaqada looga joojiyay, waxa uuna xusay in tallaabadan ay niyadjabineyso ciyaartoyda iyo masuuliyiinta Soomaaliya xilligan u jooga Paris kaqeyb galka tartanka ciyaaradaha Olombikada.
Xiriirka ciyaaraha fduid ee Soomaaliya ayaa marar badan lagu eedeeyay in ay ka macaashaan tartamada caalamiga ah ee ka dhaca waddamo Yurub kuyaalla, waxaana la sheegaa in dad aan tartanka shaqo ku laheyn lagu daro ciyaartoyda iyo xubnaha safraya , si dadkaasi ay Yurub usii galaan isna dhiibaan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com