Allbanaadir.com
NEWS

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo kawada hadlay arrin muhiim u ah dalkeenna

Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Aadan ayaa kulan la yeeshay dhiggiisa dalka Sacuudiga Mudane Cabdulraxmaan Al-Fadley, iyaga oo kulankooda diiradda ku saaray maalgashiga dhaqaalaha buluugga ah ee Soomaaliya.

Wasiir Axmed Xasan ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay dadaal xooggan galisay ka shaqeynta arrimaha badda sida kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga, iyada oo bulshadda Soomaaliyeed lagu wacyigalinayo muhiimadda in maalgashi lagu sameeyo dhaqaalaha buluugga ah dalka.

Labada wasiirka ayaa ka wada hadlay fursadaha maalgashi ee dhaqaalaha buluugga ah ee Soomaaliya taas oo ah in labada dowladood ay iskaashi ka sameeyaan horumarinta dhaqaalaha buluugga ah oo dunida maanta muhiimad gaar  ah u leh.

Dowladda Soomaaliya ayaana dedaal ku bixineysa sidii loo heli lahaa dowlado iyo shirkado maalgashi ku sameeya dhaqaalaha buluuga ah ee dhax ceegaaga badda Soomaaliya, si ay dadka Soomaalyteed mustqablka uga macaashaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Booliska DF oo qabtay hub sharci daro ah & raggii heystay

Caydiid Ali

Bariga Dhexe oo qarka u saaran dagaal balaaran ka dib weerarkii qunsuliyada Iran ee Dimishiq

Caydiid Ali

(Sawirro) Raisul Wasaare Rooble oo caawa booqday dhaawacyada Shaqaalihii Turkiga

Caydiid Ali
Taboola Ads ---