Ciidanka Booliska Gobolka Mudug oo hawlgal sameeyay ayaa gacanta ku soo dhigay eedaysane loo haysto dil ka dhacay degaanka Seemade oo ka tirsan degmada Jariiban ee gobolka Mudug.
Taliska Ciidanka Booliska Gobolka Mudug oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen eedaysanaha kadib hawlgal ay ka sameeyeen degaanka Seemade oo ka tirsan degmada Jariiban.
“Ciidanka Booliska Gobolka Mudug ayaa howlgal ay sameyeen gacanta kuso dhigey eedaysane dil ka gaystay Deegaanka Seemade Degmada jariiban ee Gobolka mudug” ayaa lagu sheegay qoraalka Taliska Booliska gobolka Mudug
Eedaysane Axmed Maxamuud Maxamed ayaa loo haystaa in uu Jimcihii 26 July dil u geystay marxuum Macallin Xamae Muuse Ducaale sida ku cad qoraalka Taliska Ciidanka booliska gobolka Mudug oo intaas ku daray in xabsiga Gaalkacyo loo gudbiyay eedaysanaha
“Eedaysanahan oo lagu magacaabo Axmed maxamud maxamed ayaa Maalinkii Jumcaha ee 26 July. Dil ugaystay Allaha unaxariistee Marxuum Macalin Xamse muse Ducale. eedaysanaha ayaa hada ku jira gacanta ciidanka Booliska waxaana lageeyay Xabsiga dhexe ee magalada Galkacyo”.
Taliska Qaybta Booliska gobolka Mudug ayaa sidoo kale sheegay in aad ugu mahad celinayaa Ehelka eedaysaha iyo Odayaasha deggaanka oo door muhiima kulahaa soo qabashada eedaysanaha kuna gacan siiyay Ciiddanka Booliiska.