Mareykanka wuxuu si layaab leh gacanta ugu dhigay ninkii heystay kooxda daroogada ugu weyn adduunka ee Ismael Zambada Garcia oo loo yaqaan magaca El Mayo, kaaso xilka hoggaanka kooxda daroogada kala wareegay ninka u xiran Mareykanka ee El Chapo.
Diyaarad gaar ah oo ka soo kacday Mexico, ayaa si khiyaanno ah uga soo dejisay El Mayo oo 76 jir ah garoon yar oo diyaaradeed oo ku yaalla El Paso oo ka tirsan gobolka Texas, isagoon war u heyn — waxayna ku dhacday heshiis uu isku soo dhibaayay Joaquin Guzman Lopez oo uu dhalay boqorka daroogada El Chapo, kaaso horey u soo ka xeeyay ninka ugu sarreeyay kooxda ugu weyn adduunka ee ka ganacsatada daroogada ee El Mayo oo markii diyaaradda la soo saarayay loo sheegay inuu tagi doono waqooyiga Mexico, si uu usoo arko dhul uu doonayo si qarsoodi ah inuu u dhisto, balse ugu dambeyntii wuxuu ku soo dhacay gacanta FBI-da oo xabsi u gudbisay.
El Mayo, iyo ninka Mareykanka isku dhiibay Joaquin Guzman, waxay labadooda ahaayeen ragga loogu doonista badan yahay ka ganacsiga daroogada, in ka badan 15 milyan oo dollar ayaa lagu bixinayay ciddii xog ka soo sheegta, iyagoo goobo qarsoodi ah kaga noola Mexico.
In ka badan 180,000 kun oo Mareykan ah una badan dhallinyaro ayaa sannadkii u dambeeyay u dhimatay daroogo ay iska badiyeen , taa oo ka dhigaysa mid ka mid ah ajandayaasha ugu sarreeya Mareykanka inay ku jirto la-dagaallanka daroogada. Dawladda Mexico iyo Madaxweynaha Mareykanka ayaa boggaadiyay soo qabashada raggan.