Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo xubno la socda oo booqasho ku jooga degmada Godobjiiraan ee gobolka Nugaal, ayaa saaka u kuurgalay saameynta isbedelka cimiladu ku yeelatay degmada.
Siciid Deni ayaa si gaar ah u booqday bacaadka Guura ee ku habsaday deegaano ka tirsan degmada Godobjiiraan iyo beeraha degmada oo mar ka mid ahaan jiray beeraha ugu wanaagsan ee ay kasoo go’i jirtay digirta (Cambuulada) oo hada abaar ah.
Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhegeystay Wasiirka Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Wasiirka Beeraha iyo Waraabka oo labaduba ka mid ah safarka Madaxweynaha, wuxuuna soo jeediyay in la dardargeliyo qorshaha dowladda ee wax ka qabashada saameynta Isbedelka cimilada, iyadoo lala kaashanayo hay’adaha caalamiga ah ee ku shaqo leh, maadaama arrintani tahay mid heer caalami ah oo Adduunka dhan la tacaalayo.
Maamulka Puntland ayaa muhiimad gaar ah siinaysa sidii xal waara loogu raadin lahaa bacaadka guuraya ee ku habsaday deegaano ka tirsan degmada Godobjiiraan iyo sidii loo horumarin lahaa beeraha oo Degmadu caan ku aheyd xagga wax-soo-saarka Beeraha.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com