Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa magaalada Muqdisho ka furtay xarun cusub oo loogu tala galay in loogu adeego bulshada Soomaaliyeed ee dooneysa in ay helaan fiisaha ama dal ku galka dalka Imaaraadka Carabta.
Danjiraha dowladda Isku-tagga Imaaraadka Carabta u jooga Soomaaliya Axmed Jumca Rumeythi ayaa maanta furay xarunta bixinta dal ku galka, taas wixii maanta ka dambeeya muwaadiniinta Soomaaliyeed ay ka qaadan doonaan fiisaha.
Waxa uu sheegay danjiraha dowladda Imaaraadka in furitaanka xaruntan ay kamid ka tahay xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, waxa uuna sheegay in xaruntan loogu tala galay fududeynta helitaanka fiisaha ee u baahan yihiin dadka Soomaaliyeed.
Xaruntan Imaaraadka Carabta ka furay magaalada Muqdisho oo u shaqeyn doonta sida qunsuliyad, ayaa noqoneysa tii ugu horreysay ee dowladda Imaaraadka Carabta ka furtaan magaalada Muqdisho 34 sanno kaddib .
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com