Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa guddoomiyay shirka isku dubarridka barnaamijka xasilinta oo Muqdisho ka furmay.
Shirkan oo looga arrinsanayo horumaradii laga sameeyey barnaamijka xasilinta ee dawladdu hoggaamiso, kaas oo lagu gaarsiiyo adeegyada bulshada, maamul-dhiska, amniga iyo caddaaladda deegaannadii dhowaan la ga xoreeyey Khawaarijta.
Shirkan magaalada Muqdisho ka furmay ayaa sida oo kale la gu falanqeynayaa u diyaar-garowga wejiga labaad ee hawlgallada dib-u-xoreynta ee ka socda qaybo ka mid ah dalka.
Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ayaa dib uga baxay deegaanno badan iyo degmoiyin dagaallo xoggan looga saaray kooxda Al Shsbaab, kuwaa oo la filayay in ay ku laabtaan dadkii ka barakacay.