Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa soo dhaweeyey qaraarka uu shalay ansixiyay Baarlamaanka Jamhuuriyadda Turkiga, kaas oo la xariira in ciidamada badda ee Turkiga loo diro Soomaaliya.
Wasiirka ayaa ku tilmaamay qaraarkan la ansixiyay in ay ka dhigantagay tallaabo muhiim ah oo lagu fulinayo heshiiskii iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha ee horey u dhaxmaray dowladaha Soomaaliya iyo Türkiye
“Turkiga iyo Soomaaliya kama shaqeynayaan oo keliya xasilinta biyaha xeebaha Soomaaliya, laakiin sidoo kale waxay kobcinayaan iskaashi muujinaya sida ay uga go’an tahay nabadda iyo amniga gobolka iyo xoojinta dadaallada lagula dagaallamayo argagixisada, burcad-badeedda, ka ganacsiga hubka sharci darrada ah iyo khataraha kale” ayuu yiri wasiir Cabduqaadir Maxamed Nuur.
Heshiiska Baarlamaanka Turkiga ansixiyeen ayaa khuseeyey iskaashi dhinacyada difaaca iyo dhaqaalaha ah oo ay wada saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya bishii Febraayo ee sannadkan, ayaa ujeeddadiisu ahayd in lagu xoojiyo awoodda difaaca badda Soomaaliya iyo in la dhiso ciidan badeed.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com