Allbanaadir.com
NEWS

Rag badan oo ku jiray Xero Milatari oo Sharcidarro ah oo la xiray

Sagaashan iyo shan qof oo u dhashay dalka Liibiya, ayaa la xiray kaddib markii looga shakiyay in ay ku qaadanayeen tababar sharcidarro ah xero militeri oo ku taal deegaan katirsan dalka Koonfur Afrika sida ay boolisku sheegeen.

Booliska ayaa xoog ku galay xerada oo aheyd meel beer ah, White River, oo ah magaalo yar oo ku taal gobolka waqooyiga ee Mpumalanga.

Booliska oo galay xaruntaasi Jimcihii waxay sheegeen in ay halkaas ku arkeen teendhooyin, hub sharciyeysan iyo qalab kale oo militeri. Sidoo kale boolisku waxay sheegeen in xeerada ay ka heleen maandooriyayaal ay ka mid yihiin xashiishad iyo Kookeyn.

Sida la sheegay boolisku waxay goobtaasi galeen Arbacadii kaddib markii ay heleen xog qarsoodi ah oo ku saabsan waxa halkaas ka socda.

Sida laga soo xigtay afhayeenka booliska, Athlenda Mathe, waxaa lagu eedeeyay Liibiyaanka in ay “been ka sheegeen” dalabkooda fiisaha iyagoo sheegay in loo tababaro ilaalo ammaan.

Xerada waxaa markii hore loo diwaangeliyay in ay tahay meel gaar ah oo lagu tababaro ilaalada ammaanka balse waxay u muuqatay in sidaas laga beddalay oo si kale loo isticmaalay. Wakaaladda wararka ee AFP ayaa ka soo xigatay Afhayeenka labaad ee booliska, Donald Mdhluli oo sidaas sheegaya.

Booliska Koonfur Afrika

Mr Mdhluli waxa uu sheegay in milkiilaha shirkadda uu yahay qof u dhashay Koonfur Afrika, booliskuna ay wadaan baaris la xiriirta hadii uu u haystay sharci in xerada ay u shaqeyso qaab militeri.

Marka laga soo tago in lagu xadgudbay qeynuunada socdaalka, waxaa sidoo kale Liibiyaanka looga shakiyay in ay galeen “dambiyo halis ah” sida ay sheegeen dadka deegaanka oo ka cawday falal kufsi ah sida uu sheegay Mr Mdhluli.

“Waxaan si dhab ah u qaadaneynaa wax kasta oo khatar ku ah ammaanka iyo xasilloonida gobolkeena”, ayuu yiri taliyaha booliska, Zeph Mkhwanazi.

Dhinaca kale, boolisku waxay hadalkooda ku cadeeyeen in aysan jirin “khatar degdeg ah oo ku soo fool leh bulshada deegaanka”.

Heerk dambiyada Koonfur Afrika ayaa waxaa kordhiyay shirkadaha ammaanka ee gaarka loo leeyahay.

Tobankii sano ee la soo dhaafay shirkadaha ka shaqeeya ammaanka waxay kordheen 40 boqolkiiba sida lagu sheegay warbixinta hay’adda maamusha howlaha ammaanka ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan (PSIRA).

Waa arrin caadi ah in dadka u dhashay dalalka kale ay shaqooyin ka helaan shirkadahaan.

Wadankaas saliidda hodanka ku ah, waxaa ka jiray fowdo laga soo bilaabo markii ciidamada NATO ay xukunka ka tureen 2011-kii Mucamar Gadaafi hoggaamiyhii dalka.

Liibiya waa halka ugu muhiimsan ee safarkooda ka bilaabaan muhaajiriinta kumanyaalka ah ee doonaya in ay Yurub soo galaan. Mar dalka waxa uu ahaa kan ugu nolosha fiican Afrika, wuxuu lahaa caafimaad iyo waxbarasho bilaash ah. Balse xasilloonidarrada ayaa keentay in barwaaqadii dalka ku jiray kala daadato.

Dadka ka faalooda arrimaha dalkaas waxay sheegaan in kooxaha ka jira dalka ay ciidamada lugta ka qortaan dalalka ka hooseeya Saxaraha.

Howlgalka ay ciidamada boolisku sameeyeen Jimcihii wuxuu keenay in lays weydiiyo su’aalo ku saabsan xammaanka xuduudda Koonfur Afrika.

Sagaashan iyo shan qof oo u dhashay Liibiya ayaa la xiray, waxaana su’aallo weydiinaya mas’uuliyiinta ku shaqada leh.

Booliska kama hadal cidda ay maxaabiista ka helayeen tababarka militeri ay qaadanayeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xamaas oo Golaha amaanka Q/Midoobay ugu baaqday kulan deg deg ah

Caydiid Ali

DF oo beenisay warar laga faafiyey askari tababar loogu qaaday Ugandha ka dibna dhintay

Caydiid Ali

Koox ciyaartoy ah oo Magaalada Tehran loogu xirxiray xaflad ay ka qeyb galeen

Caydiid Ali
Taboola Ads ---