Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle oo ay wehliyaan Madaxweyne ku-xigeenka Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada, Xubno Baarlamaanka Hirshabeelle iyo Saraakiisha ciidamada qalabka sida ayaa maanta dul-tagay dhammaan mashaariic hirgalay iyo kuwa socda ee degmada Moqokori.
Mashaariicda xariga laga jaray ee degmada Moqokori:
- Dugsi Hoose, Dhexe
- Xarunta Maamulka Degmada
- Garoon Ciyaaraha Degmada
- Xarunta Maxkamadda Degamda
- Nalalka Cadceeda
- Ceel Biyood
Mashaariicda laga dhagax-dhiggay degmada Moqokori:
- Dugsi Sare
- Suuq Xoolo
- Xarunta Xanaanada Xoolaha
- Buundo looga gudbo tog-biyood
- Saldhig Boolis
Mashaariicda Bulshaddu Maalgashatay Ee gabogabada ah:
- Isbitaalka Degmada
- Garoonka Ciyaaro
- MCH
- Aargada
“Dadaal Dowladda Hirshabeelle iyo isku-tashi dadweynaha degmada Moqokori ayay ku hirgaleen mashaariicda. Waxaan garab-siineynaa cida walba oo Dowladnimada garab u ah.”