Allbanaadir.com
NEWS

Gantaal ka yimid Xisbullah oo 9 qof ku dilay Israel (Sawirro)

Gantaal ka yimid la aaminsan yahay iney soo riday Xisbullah ayaa ku qarxay garoon yar oo kubadda cagta ah ayaa dilay 9 reer Israa’iil ah halka ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 34 kale oo qaarkood xaaladoodu liidato.

Weerarkan ayaa ka dhacay degaanka Majdal Shams, oo ah magaalo ku taal buuraha Golan ee Israel ay ka qabsatay Siiriya.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa ku jiraan carruur sida uu sheegay Magen David Adom oo ah (MDA) Agaasimaha adeegga gurmadka deg dega ah ee Eli Bin.

“Toban qof oo xaaladoodu halis tahay ayaa lagu daadgureeyay helikobterrada Ciidanka Cirka ee Israel. Warbixinadii ugu horeeyay ee goobta laga soo sheegay waxay ahaayeen kuwo aad u adag” ayuu Bin ku yiri hadal uu soo saaray.

Wararkii ugu horeeyay ayaa sheegaya in dadka dhaawacmay oo da’doodu u dhaxeyso 10-20 jir la daweynayo kadib markii loo daad gureeyay xarumaha Caafimaadka ee deegaanka.

Iidaan Avshalom oo ah sarkaal sare oo ka tirsan shaqaalaha caafimaadka ayaa yiri “Annagoo goobta gaarnay, waxaan aragnay burbur iyo alaabo dab qabadsiiyay, dadka dhaawacmay waxay daadsan yihiin cawska dushiisa, goobtuna aad ayay u adkeyd in la daawado, waxaan bilownay inaan si deg deg ah u daweyno dadka dhaawaca ah, qaar waxaana loo daad gureeyay xarumaha caafimaadka ee deegaanka”

Ururka Xisbullah ee Lubnaan ayaa beeniyay inay ku lug leeyihiin weerarka ka dhacay magaalada Majdal Shams  oo ku taal woqooyiga Golan Heights ee Israa’iil ay haysato.

Wax yar kaddib markii weerarka uu dhacay wasiirka difaaca Israa’iil ayaa la tashi degdeg ah la yeeshay taliyeyaasha ciidamada.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil ayaa dhankiisa sheegay in Xisbullah ay ka gudubtay khadadka cas, isagoo inta ku daray “Waxaana nagu soo fool leh dagaal baaxad leh oo aan kula jirno Xisbullah.”

Sababta Xisbullah u diidday weerarkan ayaa loo sababeynayaa dhimasho badan ee rayidka inay ka dhalato marmarsiyaha duulaan khasaare badan dhaliya oo ka dhaca gudaha Lubnaan.

Related posts

Golaha Wasiirada DF oo Mushaharkooda ugu deeqay dagaalka Al-Shabaab

Caydiid Ali

Shaqo Ka banaan Shirkada Korontada Blue Sky Energy xarunteeda Muqdisho (Akhriso Shuruudaha)

Cabdi Cade

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo arimo muhiim ah kawada hadlay (Sawirro)

Cabdi Cade