Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Waare oo si kulul uga hadlay Xildhibaan ka tirsan Hirshabelle oo qarax lagu dilay

Madaxweynaha dowlad goboleedka  Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa tacsi u diray qoyskii, eheladii uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Xildhibaan Cabdiweli Maxamed Ibraahim oo ka mid ahaa Xildhibaannada Hirshabelle oo ku dhintay  Qarax  galabta ka dhacay Muqdisho.

Waare oo ku hadlayay afka golayaasha iyo shacabka Hirshabelle ayaa marxuumka Ilaahay uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan ka siiyo.

“Innaa Lillaahi wa inaa Ileyhi Raajicuun Aad baan uga xumahay dilka kooxaha nabad-diidka ay u geysteen Xildhibaan Cabdiweli Maxamed Ibraahim oo shahiiday isagoo hawl qaran gudanaya, Dilalkan marnaba nagama hor istaagi doonaan inaan horey u sii dhaqaaqno, waxaana hubaa Ilaahay idankii in kooxahan nabadda ka soo horjeeda dalka laga ciribtiri doono dhowaan’’, ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabelle.

Marxuum Xildhibaan Cabdiweli Maxamed Ibraahim ayaa ku dhintay qarax loogu xiray gaarigiisa oo ka dhacay galabta agagaarka xarunta bankiga IBS oo ku taalla degmada Xamar-weyne ee gobolka Banaadir.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Rag waxyaabaha maanka-dooriya ku iibinayay Muqdisho oo lasoo qabtay (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Qoor Qoor oo baaq u diray Beesha Caalamka

Cabdi Cade

Madax ka hadashay Kulanka laga yaabo in uu dhax maro Donald Trump iyo Kim Jong-un

Cabdi Cade
Taboola Ads ---