Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Magaalada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose kulan kula qaatay maamulka Degmada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.
Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay maamulka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada deegaanka sida ay diyaarka ugu yihiin garab istaaga Ciidamada dalka iyo xoreeynta guud ahaan Jubaland.
Waxaa Madaxweynahu uu sidoo kale maamulka Degmada ka dhagaystay shaqooyinka ka socda Degmada iyo sidii loo dardar galin lahaa adeegyada Bulshada loo hayo.
Madaxwayne kuxigeenka koobaad ee Dowlada Jubbaland mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa kulan laqaatay Wafdi kasocda Hay’adaha Caalamiga ah ee ka shaqeeya arimaha bini’aadan nimada oo maanta soo gaaray degmada Luuq.
Wafdigan oo kasocday Hay’adaha caalamiga ee ka shaqeeya arimaha bini’aadan nimada ayaa maanta soogaaray degmada luuq iyadoona ujeedkooda uu ahaa u kuurgalidda xaaladaha degmada Luuq gaar ahaan dadkii uu saameeyay shaqaaqoyinkii kadhacay degmada waxaana ay kormeer kutageen suuqa wayn ee waratada oo horaantii bishan dab laqabadsiiyay, kaamamka Kulmiye iyo Dhuyacley oo kamid ah goobaha ay kubarakaceen dadkii ay saameeyeen shaqaaqooyinkii kadhacay degmada iyadoo waliba dadka qaar hoygoodi ay kuwaayeen waxaana kormeerkan hogaaminayay Gudoomiyaha degmada Luuq Daahir Muxumed Nuur.
Markii uu soo idlaaday kormeerka ayey kulan la qaateen Madaxweyne kuxigeenka koowaad ee Dowladda Jubbaland oo ay weheliyaan Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada XFS, Xildhibaano heer federaal iyo heer State ah.