Wargeyska Sudan ka soo baxa ee Al-Taghyeer, ayaa ka hadlay sababaha keenay in Dowlada Eritrea ay dalkeeda ka cayriso safiirkii Sudan u fadhiyey Asmara
Qoraalka wargeyska ayuu ku sheegay sababaha ay Eritrea dalkeeda uga ceyrisay sii-hayaha safiirka Suudaan ee Asmara, Khaled Abbas Al-Naim inay la xiriirto howlgal basaas oo uu ku jiray, markii uu shaqaalaysiiyay labo wiil oo dhallinyaro ah si ay xog uga ururiyaan xerada Sawa, oo ah xero ciidan oo gaar ah oo ku taalla galbeedka Eritrea, taasoo ay tababar ku qaataan muddo labo sanno ah Ardayda soo dhammeysa dugsiyada sare, sida ku cad nidaamka Eritrea.
Ka hor go’aanka ay Eritrea u qabatay safiirka Suudaan inuu uga baxo dalkeeda, waxay ku wargelisay maamulka Suudaan inaan safiirkan looga bahneyn Eritrea, taasoo la sheegay inaysan wax jawaab ah ka soo bixin, markaasoo ay Eritrea qaadatay mowqifka 72 sacaadood inuu ku baxo.