Allbanaadir.com
NEWS

Kamala Harris oo jeedisay hadal ka careysiiyey Netanyahu

Kamala Harris ayaa isku dayeysa inay iska fogeyso arrimaha ku saabsan doorka Biden uu ku lahaa dagaalka Qasa.

Harris waxay qaadatay mawqif ay ku muujinayso inay tahay musharrax ka naxsan waxa ka socda Qasa oo u naxariisanaya

Mareykanka waxaa ku nool jaaliyad muslim ah, waxaa kaloo jira codad kale oo Mareykan ah oo ay matalaan ardayda jaamacadaha iyo kuwa kale, kuwaaso si adag uga carooday mowqifka Biden uu isaga indha-tiray waxa ka dhacaya Qasa ee uu taageerrada ku siinayo Israa’iil xasuuqa naxdinta leh, waana taas sababta ay kamala haris talaabadan u qaadatay.

Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka, ahna musharaxa madaxweyne ee xisbiga Dimuqraadiga, Kamala Harris; “Waa run in Israa’iil ay xaq u leedahay inay is difaacdo, laakiin sida ay taasi u sameyso ayaa ah waxa muhiimka ah… Wixii Qasa ka dhacay sagaalkii bilood ee la soo dhaafay waa wax aad u xun.Waxaa jira sawirro carruur dhintay, dad gaajaysan iyo dad quus ah oo raadinaya meel nabdoon, dadka barakacay laga yaabee illaa 4 mar inay barakaceen Ma iska indho tiri karno masiibadan, ka aamusi mayno.Dagaalkan waa in la soo afjaraa hadda,Israa’iil waa in ay ahaataa mid ammaan ah, dhammaan maxaabiistana waa in la sii daayaa, waa in la soo afjaraa dhibaatada Falastiiniyiinta ee Qasa, iyo Falastiiniyiinta inay awoodaan in ay gaaraan xuquuqdooda xorriyadda.” ayey tiri Kamala

RW Netanyahu Netanyahu ayaa la sheegay inuu hadalkan ka carooday isagoo la kulmay iyada iyo Biden, kuwaasoo la sheegay inay doonayaan inuu heshiis dhaco oo dagaalka la joojiyo.

Dimuqraadiga, waxay bixiyeen hubka lagu dilay Falastiiniyiinta, ka hor doorashada ayay raadinayaan in heshiis uu dhaco si ay u helaan codka muslimiinta laga tirada badan yahay ee Mareykanka.

Mashruuca 2025, oo ka kooban dukumeenti 900 oo bog ah oo ay diyaariyeen xubno ka tirsan xisbiga Jamhuuriga Mareykanka iyo taageerrayaal xisbiga ah ayaa lagu arkay in haddii doorashada uu ku guuleysto Donald Trump, boqolka maalin ee u horreysa inuu ku dhawaaqi doono Mareykanka inuu aqoonsi siin doono Somaliland , isagoo Qaramada Midoobay horgeynaya sidii ay kursi uga heli lahayd.

 

Related posts

Somaliland oo fariin cad u dirtay Beesha Caalamka sidoo kale hor dhigtay Shuruudo adag

Cabdi Cade

Qoorqoor oo saxiixay Shuruuc kala duwan iyo heshiisyo xasaasi ah (Sawirro)

Caydiid Ali

Sidee dowladda ka yeeleysaa Malaayiinta Dollar ee Al shabaab laga xayiray?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---