Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo Wasiirro cusub magacaabay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa wareegto uu goordhaw soo saaray ku magacaabay xubno cusub oo ka mid noqonaya Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda JFS.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gudanaya waajibka Dastuuriga ah ee ku xusan qoddobada 97,98 iyo 100aad ee dastuurkaga KMG ah, isla markaana uu tixgeliyay talada Madaxweynaha JSF, uuna garawsaday hawlada baaxadda leh ee horyaalla Xukuumadda, waxa uu magacaabay xubnaha hoos ku xusan:

1. Mudane Gen. Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobbe) – Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka.

2. Mudane Cumar Cali Cabdi – Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga

3. Mudane Siciid Maxamed Maxamuud (Xayd) – Wasiiru dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guriyeynta

4. Mudane Maxamuud Cabdiqaadir Xaaji (Jeego) – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha.

Wasaaraddan loo magacaabay Jeneraal Bashiir Goobe oo horey u ahed Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska ayaa waxaa ka geeriyootay Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye, waxaana wasaaraddan hadda loo beddelay Wasaaradda Qoyska uyo Horumarinta Xuquul Insaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wafdi uu horkacayo Madaxweynaha Somaliland oo duulay dalka Imaaraadka Carabta

Caydiid Ali

War deg deg ah: Sarkaal ka tirsan ciidanka Milateriga oo goor dhow lagu toogtay Muqdisho

Caydiid Ali

Xabad joojin ka dhaqan gashay Sudan iyo xaalada Khartuum oo xasiloon

Caydiid Ali
Taboola Ads ---