Warar lagu kalsoonaan karo oon goordhaw helnay ayaa sheegaya in xurriyadiisa maalmo kaddib uu dib u helay Wariye Cali Nuur Salaad, oo kamid ahaa wariyaasha ka howlgalla magaalada Muqdisho oo maalmo kahor lagu xiray saldhigga degmada Waabari.
Sida aan xogta ku helnay madaxda dowladda ayaa lagu cadaadiyay in ay xabsiga kasii daayaan Wariye Calinuur Salaad oon la geyn wax maxkamad ah, sidoo kale aysan jirin wax danmbi ah oo lagu soo oogay intii uu xabsiga ku jiray.
Hay’addo caalami ah oo u dooda xaquuqda saxaafada, siyaasiyiin, odayaal iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh hoggaamiyo ku cadaadiyay in xabsiga laga sii daayo wariye Calinuur Salaad.
Ciidamada booliiska ayaa maalmo kahor xabsiga dhigay wariye Calinuur Salaad oo kamid ahaa wariyaasha ka howlgala Muqdisho, waxaana wariyahan lagu eedeeyay falal isugu jirtay anshax-xumo iyo sidoo kale in uu faafiyay warar been abuur ah, taa aysan dowladda u keenin caddeymo lagu qanci karo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com